?> Tababarka Kahortaga Dabka – Sompetroleum

Tababarka Kahortaga Dabka

 

Maamulka shirkada Som Petroleum ayaa ka qaybgaleeyn tababar ku saabsan u diyaar garowga iyo daminta dabka oo loo qabtay mulkilayaasha, maamulka iyo hawlwadeenada kaalmaha shidaalka ee gobolada dalka.

Tababarka oo aya maalgalisay shirkada Som Petroleum isla markaana ay fulinayee Ciidanka Dabdamiska Jamhuuriyada Somaliland ayaa waxa uu ka qabsoomay hoolka tababarka ee ciidanka dabdamiska. Tababarka oo qaatay mudo 2 cisho ah. Waxaa ka soo qaybgalay taliya ciidanka dabdamiska Somaliland iyo hogaanada qaybaha kala duwan ee ciidanka.

Waxaa sidoo kale ka sooqayb galay xildhibaan Mubaarik Xeeldheere oo katirsan gurdi hoosaadka arimaha bulshada ee Golaha Wakiilada Somaliland, Xubno ka socday Golaha Deegaanka ee caasimada Hargeisa iyo mulkiilaha Somaliland Fire.


Daahafurka tababarkan waxaa haladalo ka jeediyay gudoomiye ku xigeenka shirkada Som Petorleum mudane Cabdikariim Muse Cabdi iyo Taliya Ciidanka Dabdamiska Sareeye guuto Ahmed Sawaaxili. Waxanay ay ku dheeraadeen muhimada ay leedahay iska ilaalinta iyo feejignaanta loo bahanyahay si looga badbaado khataraha shidaalka ka imin karata.

Leave a comment

Your email address will not be published.