?> Shirkada Som Petroleum Oo Shidaal Tayo leh Dalka Keenatay – Sompetroleum

Shirkada Som Petroleum Oo Shidaal Tayo leh Dalka Keenatay

 

Shirkada sompetroleum oo wadanka keentay shidaal tayadiisu aad usarayso iyada oo lagu jiray wakhti uu wadanka soo galay shidaal xun isla, iyada oo shirkadu ka duulaysa baahida loo qabay shidaal tayadiisu wanaagsantahy.


Sida aad lawadasocotaan baryahan dambe waxaa wadanka ka jiray cabasho katimid shidaalka. Ha ahaato shidaalka oo yaraaday amaba shidaalka tayadiisa oo hoos udhacay. Sidaa darteed hadii aanunahay shirkada Sompetroleum waxaan doonaynaa in aan shacabka Somaliland ugu bushaarayno in shidaalkaa tayada fiicnaa ee la sugayay u maanta markabkii siday soo xidhay. Tariikhda oo manta ah 20/05 markabku ku soo xidhay dakada Barbara. Shidaalka waa shidaal tayadiisu sarayso waafaqsana shuruucda dalka ee shidaalka. Waxaa kale oo aan ku faraxsanahay uu shidaalka maray shaybaadka haamaha dakada islamarkana uu ka gudbay. Waxaa kale oo uu shidaalku wataa shahaadadii caalamiga ahayd ee dalka dibadiisa.


Waxaa idiinku bushaaraynaynaa in laga bilaabo baritoole oo taariikhdu tahay 21/05 uu shidaakaasi diyaar inoo yahay.

Shidaalkana waxa uu ku soo beegmay xiligii loo ugu baahidabadnaa.

Leave a comment

Your email address will not be published.